TAXANAHA CAAFIMAADKA.
Faa’iidoyin Luulka Ka Qaalisan Oo Malabka Uu u Leeyahay Caafimaadka Aadamaha.
Malabku marka kowaad laga bilaabo isbedelka maqaarka saameyn weyn ayuu ku leeyahay, waxa kale oo aan eegi doonaa 7 faa’iido oo uu malabku u leeyahay dadka.
1:Tamarta wuu kordhiyaa hadaad doonayso tamarta jirkaaga, isku day inaad kudarsato qorshaha raashinka iyo cabitaanada qaar maalin walba, malabka oo la daa’imo waxa uu si dabiici ah u kordhiyaa awoodda iyo tamarta jirka.
2: Cun-cunka dhuunta waa u dawo xabeebta waa uu u fiicanyahay malabku, haddii aad leedahay dhuun cun-cun ama xabeeb waa mid aad ugu wanaagsan malabku waana uu daaweeyaa.
3: Waxa uu dhisaa difaaca jirka malabku waxa uu awood weyn u yeelaa unugyada difaaca jirka, khaasatan haddii aad ka shaqaysid meelo jeermis badan.
4: Miisaanka wuu dhimaa ma ogtahay in malabku ka qayb qaato dhimista miisaanka jirka, tusaale haddii aad biyo diiran oo lagu daray liin dhanaan aad cabtid aroor kasta waxa ay yaraysaa baruurta. Laakiin ha hilmaamin inaad malab ku darsato.
5: Hurdada waa ka qaybqaataa haddii aad dhibaato ku qabto seexashada hurdada habeenkii, malabku wuu kaa caawin karaa, raac tilmaantan in yar oo malab ah ku shub koob dabadeed ku dar caano diiran ka dib cab. Malabku waxa uu qofka ku keenaa daganaan iyo raaxo habeenkii xilliga hurdada.
6: Dhaawaca waa lagu daweeyaa haddii dhaawac ka qabto meel ka mida jirkaaga oo dhakhso u dawoobiwayso, mari malab meesha ku xanuunaysa, waa jeermis dile malabku xanuunkiina waa uu ka yaraynayaa.
7: Neefta ama urka afka waa lagula dagaalamaa ma ogtahay in malabku ka caawin karo inaad la dagaalantid, sidoo kale malabka waxa ku jirta sonkor dabiici ah oo aan beerka waxba u dhimayn.
Waxa kale oo jira faa’iidooyin badan oo uu leeyahay malabku kuwa aan hadda kor ku xusay waa qeybo yar-yar oo ka mida ah.
FG: ula jeedku maaha inaad xaddi badan oo malaba cunto, waayo dhibaato ayuu u keeni karaa caafimaadkaaga haddii aad wax badan ka isticmaasho.
0 Comments