Jamie Carragher Oo Sharaxay Sababtii Uu Mohamed Salah Uga Reebay Shaxdiisa Ugu Fiican Premier League Xilli Ciyaareedkan.
Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sharaxay sababta uu Mohamed Salah uga reebay shaxdiisa ugu fiican horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Jamie Carragher ayaa soo xushay shaxdiisa ugu fiican premier League xilli ciyaareedkan waxana uu ka reebay xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah inkasta oo uu 20 gool oo premier League ah dhaliyay xilli ciyaareedkan.
Jamie Carragher oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waan ka fikirayay in aan doorto salah laakiin waxa aan ka doorbiday Son Heung-Min”.
“Mohamed Salah waxa uu ka mid yahay gool dhaliyayaasha ugu fiican laakiin Son Heung-Min ayaa kaga fiican dhanka gool caawinta sidaas darteed ayaan Son ugu doortay shaxdayda ugu fiican”.
Mohamed Salah ayaa dhaliyay 20 gool laakiin waxa uu caawiye ka noqday kaliya 4 gool halka uu xiddiga Son Heung-Min dhaliyay 17 gool laakiin caawiye ka noqday 10 gool oo kale.
Sii Akhriso: 5 Nooc Oo Ragga Ah Oo Ay Dumarku Raadiyaan Marka Ay Dooranayaan Lamaanohooda Nolosha
0 Comments