Calaamadaha coronavirus: Sidee ku garan kartaa in aad qabto fayraska?
Coronavirus ayaa ku baahay inta badan caalamka, wuxuuna dilay in ka badan 250,000 oo qof.
Sidaas darteed, muxuu yahay cudurka? sidee ayuu u faafaa? goormay dadku sii gudbin karaan?
Maxay yihiin astaamaha lagu garto qofka qaba?
Coronavirus wuxuu ku dhacaa sambabbada. Calaamadaha waxay ku bilowdaan qandho, waxaa soo xiga qufac qallalan, kaas oo horseeda dhibaato dhanka neefsashada ah.
Waa qunfac is daba joog ah, oo uu qofku wadayo wax ka badan hal saac, wuxuuna dareemayaa in dhuunta ay qalalan tahay.
Shan maalmood ayay celcelis ahaan qaadataa in lagu garto calaamadaha, sida ay saynisyahannada sheegeen, balse dadka qaar ayaa laga yaabaa in maalmo intaas ka badan ay ku qaadato in laga arko calaamadaha fayraska.
Xaqiiqdii Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa sheegay in muddada uu fayraska ku faafo jirka qofka ay qaadato illaa 14 maalmood.
Dhaqaatiirta ku takhasusay xanuunnada dhegaha, sanka iyo dhuunta ee ku sugan UK ayaa sidoo kale ogaaday in ay jiraan dad isku arkay xaaladda ah in dareenka dhadhanka ama urta ay ka tagto.
Dad badan ayaa baraha bulshada iskula wadaagayay in marka uu xanuunku ku dhacay ay awoodi waayeen in ay wax uriyaan amaba dhadhamiyaan.
Si kastaba, caddeyntan ma ahan mid si buuxda la isugu halleyn karo, maaddaama fayrasyada sida hargabka oo kale ah ay sababaan inuu qofku awoodi waayo wax urinta iyo dhadhaminta.
Sidoo kale, dalalka qaar waxay soo sheegeen calaamado kale sida finan jirka ka soo baxa.
Dadka ayaa fayraska sii gudbin kara marka lagu arko calaamadaha, balse waxaa sidoo kale jirta in dadka qaar laga yaabo in ay fayraska gudbiyaan iyagooweli caafimaad qaba balse uu jirkoda ku jiro xanuunka.
Calaamadaha hore waxaa lagu qaldi karaa hargabka caadiga ah ee xilliga qaboobaha.
Ma jiraan dad qaba xanuunka haddana aan astaamaha lagu arkin?
Cilmi-baaris dhowaan la sameeyay ayaa muujineysa in 78% ee ah dadka qaba xanuunka Covid-19, ay ka muuqdaan astaamo fudud, qaarkoodna waxba kama muuqdaan.
Cilmi baarista waxaa la socotay baaritaan kale oo laga sameeyay tuulo ku taalla taliyaaniga oo xudun u ahayd fayraska corona, halkaas oo 50% illaa 75% uu ku dhacay cudurka ay ahaayeen kuwo aysan ka muuqan astaamaha lagu garto - in kastoo meel kale uu uga yimid haddana gudaha ayuu ku faafay.
Cilmi baaris kale oo dhowaan laga soo saaray Iceland ayaa muujineysa in qiyaastii 50% ka mid ah dadka laga helay fayraska Covid-19 ay ahaayeen kuwa aysan wax calaamad ah ka muuqan.
Dhanka kale, baaritaan ay sameysay hay'adda Caafimaadka Adduunka WHO oo laga qaaday 56,000 oo qof ayaa dhacdo taa la mid ah lagu ogaaday.
- 80% waxaa ka muuqdo astaamo iska fudud - qandho iyo qufac qaarna waa sida in ay oof-wareen ku dhacday.
- 14% waxaa ka muuqdo calaamado daran - naqaska oo ku dhega iyo neefta oo meel ay soo marto lahayn
- 6% si ba'an ayey u xanuunsadaan - Sambabada oo aan shaqeyneyn, jirka oo aad i jareynaya, xubnaha jirka qaar oo shaqada gaba, waxayna halis ugu jiraan dhimasho
Sideen nafteyda uga ilaaliyaa?
Sida ugu fiican waa in aad gacmahaaga si joogto ah u dhaqdo, waxaa wanaagsan in aad isticmaasho biyo iyo saabbuun.
Coronavirus wuxuu faafi karaa marka qof qaba uu qufaco - qufac wata fayraska - kaas oo hawada sii raaca. Qof kale ayaa hawadaas ku neefsan kara sidaasna ku qaadi kara fayraska, waxaa kale oo laga qaadi karaa taabashada meel uu fayrasku gaaray, ka dibna aad gacantaada ku sii taabato indhaha, sanka ama afka.
Sidaas darteed, waxaa muhiim ah in aad tiish isticmaasho marka aad qufacayso amaba aad hindhiseyso, waa inaadan wejigaaga ku taaban gacmo aan dhaqneyn, aadna ka fogaato dadka fayraska qaba, taas oo ah yareynta faafitaanka xanuunka.
Marada wejiga lagu xirto si fiican kaagama ilaalineyso fayraska, sida ay sheegeen khubarrada caafimaadka.
- Maxaa ka jira in filimkan uu sii saadaaliyay caabuqa Corona?
- Sida wararka beenta ee corona u faafaan
- Masaajidda Maka iyo Madiina oo laga mamnuucay Saladaaha jamaacada
- Wiil Soomaali ah oo laga helay cudurka coronavirus oo ka walwalsan Soomaalida kale ee aan isbaarayn
Maxaan sameeyaa haddii aan isaga shakiyo in aan qabo fayraska?
Bukaannada ay ka muuqdaan calaamadaha aan darneyn - sida qufac joogto ah amaba heerkul ka sarreeya 37.8C waa in ay is karantiilaan ugu yaraan muddo 14 maalmood ah.
Haddii aad xiriir la sameysay qof qaba fayraska, waxaa laga yaabaa in lagugu amro in aad is karantiisho.
Dalalka qaar ayaa qaaday tallaabooyiin u gaar ah. Tusaale ahaan, Xarunta Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada ee Mareykanka ayaa dadka isku arka calaamadaha kula talineysa inay la xiriiraan dhaqtarkooda, kuwa aysan ka muuqan calaamadaha daranna ay is karantiilaan gurigana aysan ka soo bixin.
WHO ayaa sidoo kale dadka u soo jeedisay talooyin.
Heerka ay gaarsiisan tahay halista dhimasho ee coronavirus
Cilmi-baaris cusub ayaa muujineysa in qiyaastii 0.66% boqolkiiba dadka uu ku dhacay fayraska ay dhimanayaan.
Tani waxay aad uga sareysaa tirada ah 0.1% boqolkiiba oo u dhinta hargabka caadiga ah ee xilliyada qaar dadka ku dhaca.
Si kastaba, waxaa suuragal ah in tirada ay intaa ka badan tahay maadaama kiisas badan aan la soo weriyin.
Qiimeyn ay WHO ku sameysay 56,000 oo bukaan ayaa lagu ogaaday:
- In 6% ay dadku aad u xanuunsadaan - sambabbada howlgab ay noqdaan, oo ay halis u galaan dhimasho
- In 14% dadku ay ka muuqdaan calaamado daran - sida neefsashada oo ku adkaada.
- In 80% dadku ay ka muuqdaan calaamdo aan darneyn - sida qandho iyo qunfac halka dadka qaarna ay burukiito ka qaadaan
Dadka da'da ah iyo kuwa qaba xaaladaha caafimaad (sida neefta, sokorta, cudurrada wadnaha iyo dhiig-karka), ayaa u nugul inuu aad u soo rito xanuunka. Xog laga soo ururiyay Shiinaha ayaa sidoo kale muujineysa in ragga ay khatar ugu jiraan u dhimashada fayraska marka la barbar-dhigo haweenka.
Daaweynta ayaa qofka ka caawisa sida neefsashada, illaa heerka difaaca jirkiisa uu awood u yeelanayo inuu la dagaallamo fayraska. Waxaa haatan socota soo saaridda tallaalka fayraska.
Goormaan u baahanahay in aan isbitaalka aado?
Sababta ugu weyn ee dadka ay isbitaalka u aadaan waa marka ay daweyn u baahdaan oo naqaskana uu ku dhegayo.
Dhakhaatiirta waxay eegayaan sambabada si ay u arkaan qaaba uu xanuunka u saameeyay. Kiisaska ugu daran waxay u baahanayaan in la seexiyo qeybta xaaladaha degdegga ah, taas oo loogu talagalay in la dhigo dadka sida daran u xanuunsan.
Bukaannada cudurka Coronavirus waxaa lagu xirayaa qalabka neefsiga - waxay noqon kartaa mid wejiga oo dhan loogu xira bukaanka ama mid dhuunta laga geliyo.
Bukaannada ugu daran waa kuwa la geeyo qeybta qalabka Ventilatoir-ka - Qalabkaas wuxuu bukaanka siinayaa neefta wuuna ka soo saarayaa - Waa tubooyiin looga xirayo afka, sanka ama dhuunta, waxayna dhaqaajinayaa sambabada.
Yaa laga baarayaa xanuunka, habkee ayaana loo maraa?
Taladii ugu dambeysay ee ay bixisay waaxda Caafimaadka Bulshada ee England (PHE) ayaa lagu sheegay in dadka qaba calaamadaha aan darneyn ee is karantiilay aan la baari doonin.
Si kastaba, dhammaan bukaannada ku jira isbitaallada ee ay ka muuqdaan calaamadaha sida hargabka ayaa la baari doonaa.
Haddii lagugu baaro gudaha UK, natiijada waxaa laga yaabaa inaad isla maalintaas hesho, balse waxaa lagaa codsan karaa inaad guriga isku karantiisho, inta aad sugeyso natiijada
0 Comments